780 Views

Wal-wal xoog leh oo ka taagan doorasho ka dhaceysa Jamhuriyadda Afrikada Dhexe

Wal-wal xoog leh oo ka taagan doorasho ka dhaceysa Jamhuriyadda Afrikada Dhexe
____________________________________________________________________________

Isbaheysiga mucaaradka ku ah dowadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ayaa sheegay in ay muddo saddex maalin ah joojiyeen dagaalladii ay kula jireen ciidamada dowladda, xilli Axadda berri ah ay dalkaasi ka dhici doonto doorashada guud.

Kooxaha fallagada ayaa muddo todobaad laga joogo billaabay weeraro, iyaga oo ku hanjabay in ay socod ku gali di doonaan magaalada caasimadda ah ee Bangui, iskudaygaas oo la hakiyay kaddib marki ay dowladda u qeeshatay Ruushka iyo dalka deriska ah ee Rwanda.

Xabad-joojintani oo uu isbaheysiga waddaniyiinta Isbaddal-doonka ee (CPC) Jimcihi ku dhawaaqay, ka hor doorashada madaxtinimada iyo tan baaramaanka ayaa loo arkaa mid tijaabo muhiim ah u ah dalka ay colaaduhu ragaadiyeen eek u yaalla bartamaha Africa.

Doorashada Axadda ayaa la filayaa inuu ku guuleysan doono madaxweyne Faustin Archange Touadera. Waxaase aad looga cabsi qabaa in ay rabshado hareeyaan goobaha codbixinta iyo natiijada doorashada kaddib.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post