666 Views

Somaliland oo sheegtay in sannadkii 2020 ay kordheen kiisaska kufsiga

Somaliland oo sheegtay in sannadkii 2020 ay kordheen kiisaska kufsiga
____________________________________________________________________________

Axad February 7, 2021

Hay’adda Somaliland u qaabilsan xuquuq Insaanka ee sannad walba soo saarta tacadiyada ka dhaca deegaanada Somaliland ayaa soo saartay Kiisaska kufsiga ee sannadkii la soo dhaafay ee 2020 ka dhacay Somaliland.

War-saxaafadeed ay soo saartay hey’adda ayay ku sheegtay in  xeer ilaalinta Somaliland ay diiwaan galisay 142 Kiis oo kufsi ah, kaasi oo ka kala dhacay gobolada kala duwan ee Somalind.

Hay’addda ayaa xustay in sannadka 2020 kiisaska kufsiga ee la diiwaan geliyay oo ka badan yahay sannadkii ka sii horreeyay ee 2019 kaasi oo la diiwaan galiyay 138 kiis oo kufsi ah.

Warbixintaan ay soo saartay hey’addan ayaa ku soo aadaysa xilli maalintii shalay magaalada Burco ee gobolka Togdheer kufsi iyo loogu geystay gabar yar oo dulleedka Burco, taasi xiliga la kufsanayay dhi lo joogatay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post