744 Views

Maleeshiyaadka Tigre oo Weerar ku qaaday caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada Gonder ee aan ka fogeyn..

Maleeshiyaadka Tigre oo Weerar ku qaaday caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada Gonder ee aan ka fogeyn..
____________________________________________________________________________

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada Gonder ee aan ka fogeyn xalay gantaallo lagu weeraray.

Xafiiska ka warbixiya xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Tigraay oo hoos taga xafiiska ra’isal wasaaraha wuxuu sheegay gantaalladu iney waxyeello aan badneyn u geysteen gegida diyaaradaha ee ku yaalla labadaasi magaalo.

Weriyaha BBC-da halkaasi uga soo warrama wuxuu sheegay in gantaallada ay cabsi iyo argagax ku abuurtay shacabka magaalooyinkaasi ku nool. Gantaallada ayaa xalay saacaddu markay ahayd 11-ka fiidnimo lagu gaaray magaalooyinkasi.

Xafiiska isgaarsiinta dowladda ee degaankaasina wuxuu sheegay iney qaraxyo ka dhaceen meela ka mid ah magaalooyinkaasi.

Wariyaha BBC halkaasi uga soo warrama ayaa sheegay in qaraxa kaddib ay rasaas xooggan socotay muddo 20 daqiiqo ah, wallow aan la sheegin cidda rasaastaasi isdhaafsanysay.

Markii qaraxa laga maqlay magaalooyinkaasina waxaa la jaray Korontada inkasta oo ay marki dambe u soo laabatay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in magaalada Baxir-daar ay saaka caadigeeda ku soo laabatay.

Maamulka deegaanka amxaaraduna wuxuu sheegay iney wadaan baaritaan ku qotoma in weerarka gantaallada ee labadaasi magaalo lagu soo qaaday uu xiriir la leeyahay deegaanka Tigraay iyo inkale.

yada oo baaritaanka dhacdooyinkaasi loo saaray guddi xaqiiqa raadin ah ayaa waxaa la shaacin doonaa wixii ka so baxa baaritaankaasi.

Ku dhawaad laba toddobaad deegaannada ku teedsan xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tigraay waxaa ka socda dagaal xooggan oo qayb ka aha dagaalka ay dowadda dhexe ku qaadday deegaanka Tigraay kaddib marki ay dowladda Itoobiya ciidamo daacad ah u ah TPLF ay ku eedeysay iney weerareen ciidamada federaalka ee qaybta waqooyi.

Maainti shalay ahaydna hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay deegaanka Tigraay ku edeeyeen iney dad shacab ah ah ku laayeen magaalada Mai-khadra, inkasta maamulka Tigraay ay eeddaasi gaashaanka u daruureen.

Dhanka kale wararka sheegaya in dad badan oo rayid ah lagu laayay gobolka Tigray ayay Qaramada Midoobay ku sheegtay inuu u dhigmo “dambiyo dagaal” haddii la xaqiijiyo.

Madaxa guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha Michelle Bachelet ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo wararka sheegaya in laga yaabo in boqollaal qof lagu dilay hal magaalo.

Rai’sul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay in xasuuqaasi ay geysteen xoogag daacad u ah hogaamiyayaasha Tigray.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxay xoogagga daacadda u ah TPLF ay ku eedeeyeen dilalkii dhacay Isniintii, sida ku xusan warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International.

Haddii la xaqiijiyo in dad badan oo rayid ah la laayay waxay noqoni doontaa markii ugu horreysay oo tan iyo inti uu dagaalka bilaabmay dad rayid ah oo badan hal mar la dilo.

Waxaa aad u adag in warar laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo, sababtoo ah waxaa go’an khadadka taleefoonada iyo adeegga internetka.

Xoogagga Tigray ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan baaritaan caalami ah oo madaxbanaan oo lagu sameeyo dhacdadani.

Ms Bachelet ayaa sheegtay “inay ka walaacsan tahay” xaaladda Itoobiya, balse waxay intaa ku dartay in “mudnaanta koowaad” ay imika tahay sidii dagaalka loo joojin lahaa si looga hortago xadgudubyo dhaca.

Dhanka kale waxaa sii kordhaya dadka ka qaxaya dagaalada ka socda gobolka Tirgey ee waqooyiga Itoobiya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post