1035 Views

Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo codsi kasoo saaray Dagaalka Ukraine

Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo codsi kasoo saaray Dagaalka  Ukraine
____________________________________________________________________________


Isniin: March 28, 2022

Antonio Guterres, oo ah Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu madaxa waaxda gargaarka ee hay’addan caalamiga ah amar ku siiyay “inuu kala shaqeeyo labada dhinac ee dagaalka ku lugta leh” sidii loo suurtagelin lahaa xabad joojin bani’aadannimo oo laga sameeyo Ukraine.

Isagoo codsanaya in tallaabadaas si deg deg ah loo hirgeliyo ayuu sheegay in dhaqan gelinteeda ay ka dhigan tahay “in horumar laga sameeyo wadaxaajoodyo siyaasadeed oo dhabta ah, oo ujeeddadoodu tahay in heshiis nabadeed lagu gaadho”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post