876 Views

Dalalka Kenya iyo Tanzania oo wada saxiixday heshiis cusub oo ay ku dhisanayaan

Dalalka Kenya iyo Tanzania oo  wada saxiixday heshiis cusub oo ay ku dhisanayaan
____________________________________________________________________________

May 4, 2021

Kenya iyo Tanzania ayaa wada saxiixday heshiis cusub oo ay ku dhisanayaan Dhuun wayn oo qaada shidaalka oo isku xireysa Mombasa oo Kenya ah iyo Darusalaam oo Tanzania ah.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta, Nairobi ku soo dhoweeyay madaxweynaha Tanzania, Samiya Suluuxu.

Heshiiskan cusub waxay kaga dhawaaqeen Madaxtooyada Kenya ee Nairobi oo uu ka socdo kulan ku saabsan wanaajinta xiriirka labada dal ee deriska ah.

Sidoo kale, waxay labada hoggaamiye ka wada hadleen in meesha laga saaro canshuuraha aan cadaaladda ahayn ee dhanka xuduudda, ee labada dhinac isa saareen xilligii khilaafka uu u dhexeeyay.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen xoojinta xiriirka ganacsi xuduud, jidadka, hawada iyo badda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post