942 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Safiirka Itoobiya kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Safiirka Itoobiya kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xoojinta howlgalada la dagaalanka Al-Shabaab ee ka socda degaannada Hir-Shabeelle.

Safiirka Dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa balan qaaday in Maamulka Hir-Shabeelle ay kala Shaqeyn doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kula qaato Magaalada Muqdisho mas’uuliyiin kala duwan kadibna uu dib ugu laabto Magaalada Jowhar.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post