1047 Views

Wasiir Salaax “Waxaan dooneynaa dhameystirka dastuurka uu noqdo mid daahfuran”

Wasiir Salaax “Waxaan dooneynaa dhameystirka dastuurka uu noqdo mid daahfuran”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 29-2020—Shir ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayay maanta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxa ay qorsho-howleedkeeda sanadkan la wadaagtay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda oo shirka ka soo qaybgalay. Waxaana shirka gudoominayay Wasiirka Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

 

Ujeeddada shirka ayaa waxaa uu ahaa in Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay la wadaagto hay’adaha dowladda qorshaha guud ee lagu dhameystirayo dastuurka kasoo ay lagama maarmaan tahay in hay’adaha dowladda ay xog-ogaal ka noqdaan.

 

 

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa shirka ku soo bandhigay qorshaha guud ee Wasaaradda oo ay Wasaaradaha kasoo qaybgalay shirka ay masuuliyad ka saarantahay fulinta qayb kamid ah qorshaha.

 

Wasiir Salaax oo shirka ka hadlay ayaa yiri “waxaan dooneynaa dhameeystirka dastuurka inuu noqdo mid daahfuran, sidaa awgeed waxaanu la nimid qorshahan oo dhamaan hay’adaha dowladda iyo guud ahaan shacabka aanu ka codsaneyno inay kaalintooda ka qataan sidii loo fulin lahaa”.

 

Agaasimayaasha Guud iyo La-taliyayaal ka kala socday hay’adaha dowladda ayaa iyagana dhankooda sameeyay soo jeedin ku aadan qorsho howleedka hay’adaha ay madaxda ka yihiin iyagoo sheegay inay u diyaarsanyihiin ka qaybqaadashada dhameeystirka dastuurka.

 

Ugu dambayn, Wasaaradda Dastuurka ayaa maalmaha inagu soo fool leh bilaabeysa kulamo looga arrinsanayo qaar kamid ah qodobada dastuurka ee u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro kaasoo ay ka qaybgali doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ay quseeyaan qaar kamid ah qodobada dastuurka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment