531 Views

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa faray maamullada degmooyinka inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shir Baydhaba uga furmay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobollada Koofur Galbeed ayaa sheegay Al-shabaab inta badan degmooyinka go’doomiyeen, isla markaasna ay wax laga xumaado tahay in meel baabuur looga imaan karo laga soo raaco Diyaarad.

“iyadoo aad kaashaneysaan Ciidanka Xoogga iyo shacabka deegaanka in la billaabo howgallo wadajir ah oo lagu furaayo deegaannada go’doonsan, si lamid ah howgallada ka socda dhammaan deegaannada dalka” ayuu yiri Lafta gareen.

Shirkaan u furmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolada Koofur Galbeed, ayaa ku soo aadaya xilli howlgallo iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab, ka socdaan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post