492 Views

Kuwait iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arimo ku saabsan xiriirka labada Dal.

Kuwait iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arimo ku saabsan xiriirka labada Dal.
____________________________________________________________________________


Axad: January 30, 2022

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, oo ka qayb galaya Shirka Wadatashiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Dalka kuwait ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Ahmed Nasser Mohammed Al-sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga qotadadheer ee ka dhexeeya labada Dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, kaas oo taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Maxamuud ayaa la wadaagay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wadar geesoodka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post