1095 Views

Madaxweyne Putin oo sheegay in Tallaalka Ruushka la isku haleyn karo sida qoriga AK 47 .

Madaxweyne Putin oo sheegay in  Tallaalka Ruushka la isku haleyn karo sida qoriga AK 47 .
____________________________________________________________________________

 .

May 8, 2021

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka dhawaajiyay in tallaalka uu soo saaray dalkiisa uu yahay mid la isku haleyn karo sida hubka AK 47.

Wuxuu hadalkan ka sheegay xilli uu Khamistii shir la lahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka Tatyana Golikova.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli saraakiisha caafimaadka dalkaas ay diiwaangeliyeen tallaal looga hortaggayo cudurka Karoona kaas oo loogu magac daray Sputnik Light.

Putin wuxuu isbarbardhig ku sameeyay xilliggii maamulkii Soviet-ka oo uu hubka Kalashnikov ahaa mid caan ah oo ilaa iyo maanta si weyn loo adeegsado.

Wuxuu carabaabay hadal uu horraan jeediyay dhakhtar kasoo jeedo Austria kaas oo horraantii sanadkan ka hadlay waxtarka tallaalkan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post