729 Views

Tiger Woods oo ah halyeyga ciyaarta Golf-ka Mareykanka oo dhaawac halis ah ka soo gaaray, shil baabuur

Tiger Woods oo ah halyeyga ciyaarta Golf-ka Mareykanka oo  dhaawac halis ah  ka soo gaaray, shil baabuur
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021 

Tiger Woods oo ah halyeyga ciyaarta Golf-ka ee dalka Mareykanka ayaa dhaawac halis ahi Talaadadi shalay kasoo gaaray, shil baabuur oo uu ku galay nawaaxiga magaalada Los Angeles ee gobolka California.

Booliska Los Angeles ayaa sheegay, in baabuurki uu watay Tiger Woods uu dhowr jeer rogmaday ugu danbeyntiina dusha dhulka dhigay.

Wakiilka Woods ayaa sheegay, in wali uu saaranyahay saalada qalliinka, halkaas oo ay dhaqaatiirtu kula tacaalayaan dhaawac u badan jabniin soo gaaray labadiisa lugood.

Telefishinka CNN ayaa ku warramay, in Tiger Woods uusan soo gaarin dhaawac naftiisa khatar gelin kara, balse ay bannaanka u soo baxeen qaar ka mid ah lafaha lugahiisa.



Taliyaha ciidanka booliska Los Angeles ayaa sheegay, in shilka Woods uusan ku lug laheyn baabuur kale.Tiger Woods oo ah 45 jir, ayaa 15 jeer ku guuleystay Koobka Golf-ka ee caalamiga ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post