459 Views

Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada xoogga dalka oo lagu wareejiyay deeq isugu jirta Xoolo iyo Raashin

Magaalada Dhuusamareeb  Ciidamada xoogga dalka oo lagu wareejiyay deeq isugu jirta Xoolo iyo Raashin
____________________________________________________________________________

Sabti January 29, 2022

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdirahman Cali Maxamed “Geedaqorow”oo ay wehliyaan Wasiiro iyo qaybaha bulshada Dhuusamareeb sida hoggaanka ururada haweenka, ganacsatada, dhallinyarada iyo culimada ayaa ciidanka qalabka sida ee Galmudug iyo kuwa xoogga ee dagaalka kula jiraa kooxda khawaarijta Al-Shabaab ku wareejiyay deeq iskugu jirta xoolo iyo raashin kala duwan oo dhiiri-galin u ah ciidanka.

Guddoomiye Geedaqorow iyo madaxda kale ee la socotay ayaana deeqdaan ku wareejiyay hoggaanka ciidamada qalabka sida ee xoogga, iyadoo uu deeqdaa u Guddoomay dhanka ciidamada Taliyaha ururka 6-aad ee GorGor.

Gudoomiye Cabdirahman oo munaasabadda wareejinta deeqda ay ugu talo galeen  ciidanka ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug iyo mida Dhuusamareeb in si wadajir ah looga hortago kooxda khawaarijta Al-Shabaab lana garab istaago ciidanka, si looga adkaado kooxdan caadaystay daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post