972 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu magacaabay Axmed Shiidka Guddoomiyaha Warsheekh

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu magacaabay Axmed Shiidka Guddoomiyaha Warsheekh
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 02,, 2019  –Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo wareegto uu ku magacaabayo Guddoomiyaha degmada Warsheekh, iyadoo dib loogu magacaabay xilkaas Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo bilo hore xilkaan laga qaaday.

 

Wareegtada magacaabista ayaa u muuqata mid iska hor imaaneysa, marka loo eego hab baratakoolkeeda iyo qaabka uu adeegsaday Madaxweyne Waare oo uu kula socodsiiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha in xilka Guddoomiyaha degmada Warsheekh in loo magacaabay Axmed Shiidka.

 

Madaxweyne Waare ayaa toos u magacaabayay Guddoomiyaha degmada Warsheekh, halkii ay aheyd in Wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabo oo horay u jirtay magacaabida Gobol iyo degmo inuu soo saari jiray Mr Caadle, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inuu jiro in Madaxweyne Waare iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle inay ku kala aragti duwanaayeen magacaabidan.

 

Maamulka Hirshabeelle ayaa weli ku jira is barbar yaac dhinaca magacaabida xilalka Maamulada heer Gobol iyo heer degmo oo labadii sano ee u dambeeyay ay aheyd wareegtooyinka magacaabista iyo xil ka qaadis ay joogto aheyd.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment