3027 Views

Dad Soomaali ah oo ku xiran Uganda oo codsaday in damaanad lagu sii daayo

Dad Soomaali ah oo ku xiran Uganda oo codsaday in damaanad lagu sii daayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 24, 2016: Dad ka kooban 7 ruux oo Soomaali ah oo loo haysto innay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab ayna qorsheynayee inay weerar qaraxyo ah ka geystaan dalka Uganda ayaa codsaday in damaanad lagu sii daayo.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa muddo labo sano xabsi ku jirey iyadoo aan la hor geyn maxkamad. Codsiga ah in lagu sii daayo damaanad ayaa waxa ay ku sababeeyeen maxaabiistan inaysan wanaagsanayn xaaladahooda caafimaad ayna u baahan yihiin daryeel caafimaad oo deg deg ah in ay helaan.

Maxaabiistaan ayaa laga soo qabtay hotel Kisenyi magaalada Kampala September 2014 kadib markii dad ku nool deegaanada ku dhowdhow hotelka ay ku eedeeyeen inay qorsheynayeen inay qaraxyo ka geystaan dalka Uganda iyagoo taageeraya ururka Alshabaab.

Dadkaan Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Uganda ayaan ahayn markii ugu horeysay ee ay dalbadaan in damaanad lagu sii daayo dhamaadkii 2014 ayay ahayd markii ay sidan oo kale u codsadeen in damaanad lagu sii daayo hase yeeshee maxkamada ay ka diiday.

Dhagaysiga codsiga damaanada ayaa la rajeynayaa in 29ka bishan la dhagaysto lamana oga in maxkamada ay aqbali doonto codsigooda in kasto an la hubin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment