1788 Views

Dowladda Belgium oo ku dhawaaqday inay aqoonsatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiga ee Soomaaliya

Dowladda Belgium oo ku dhawaaqday inay aqoonsatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiga ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 1, 2019 –Dowladda Belgium ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ay u aqoonsatay Baasaboorka Shaqaalaha iyo midka Diblomaasiga ee Soomaaliya ee loo yaqaano (Service and Diplomatic).

Arrintan ayaa waxaa maanta shaacisay Safaarada dowladda Belgium ay ku leedahay magaalada Nairobi, iyadoo sheegtay iney ku faraxsantahay tallaabada ay ku aqoonsatay baasaboorka.

“Safaarada waxa ay ku farasantahay iney shaaciso in wixi maanta ka dambeeya ay dowladda Belgium aqoonsnatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiyiinta ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo dabaacay Twitter-ka Safaarada dowladda Belgium ee magaalada Nairobi.

Qoraalka ayaa waxaa safaaradda soo gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Belgium oo qaabilsan aqoonsi siinta baasaboorada, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso mid fududeysa socdaalka Soomaalida ay ku tagaan dalka Belgium ee dhaca Galbeedka Qaarada Yurub.

Tallaabadan cusub ayaa ka dhigan in Haddii dowlada Belgium  ay dal ku gal bixinayaan hada kadib ay ku dhejinayaan Baasaboorka, halka markii hore warqad gooni ah lagu soo saari jiray dal ku galka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadan Koofi ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa dadaalo la xiriira sidii Baasaboorka Soomaaliga loo horumarin lahaa, isla markaana u heli lahaa aqoonsi caalami ah, waxaana horay u aqoonsaday dalalka Norway, Sweden, Finland, Switzerland iyo Denmark.

 

Is bedelo xoog leh ayaa waxaa labadii sano ee u dambeeyay ku socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, waxaana Agaasime Koofi uu socdaalo ku bixiyay dalal dhowr ah sidii aqoonsi u heli lahaa baasaboorka, ugana mid noqon lahaa Baasaboorada adduunka laga aqoonsan yahay.

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment