804 Views

SAWIRO:-Rabshado khasaaro ka dhashay oo ka dhacay Hargeysa

SAWIRO:-Rabshado khasaaro ka dhashay oo ka dhacay Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Gudoomiye Ciro iyo masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa u ruqaan saday xarunta Xisbiga oo ciidamo badan joogaan hada .

 

Warraka laga helayo Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee C/raxmaan Cirro uu si xoog ah ku galay Xarunta Xisbiga oo ay Ciidamo hareeyeen.

 

Ciidamo katirsan Soomaaliland ayaa ku sugan banaanka hore ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADANI ee Magaalada Hargeysa,iyaga oo kasoo horjeeday isku soo bax uu  shalay ku dhawaaqay Guddoomiye Cirro.

 

Ciidamada ku sugan banaanka hore ee Xarunta ayaa waxaa la sheegay in markii uu halkaasi tegay  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee C/raxmaan Cirro ay rasaas ku fureen, taas oo uu hal qof ku dhaawacmay.

 

Xaalada Magaalada Hargeysa ayaa Maanta ka duwan maalmihii la soo dhaafy,waxaana ka taagan xiisad iyo rabshado u dhaxeeya taagerayaasha iyo Mas’uuliyiinta Xisbiga WADANi iyo Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment