855 Views

Dhibaatooyin xooggan ayay la kulmeen muslimiinta Mareykanka wixii ka dambeeyay 11-kii September

Dhibaatooyin xooggan ayay la kulmeen muslimiinta Mareykanka wixii ka dambeeyay 11-kii September
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

Dhibaatooyin xooggan ayay la kulmeen muslimiinta Mareykanka wixii ka dambeeyay 11-kii September 2001-dii oo xiligaas dhulka la dhigay Daarihii ganacsiga New York & Washington, todobaadyo kaddib waxaa kordhay carada lagala dul dhacayo Muslimiinta.

Falcelinta ka dhalatay weerarkaas waxa ay abuurtay colaad loo qaaday Muslimiinta Mareykanka joogta oo dhowr jeer la cunsuriyeeyay, halka la beegsaday Haween Xijaab, sababta ugu weyn ee arrintaas ula kulmeen ayaa lagu sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkaas.

Shanaha Hanif oo 10-jir ah & Walaasheed waxaa maskaxdooda ka guuxaya dhacdooyinkii aan wanaagsaneen ay ka dhaxleen kaddib weerarkii dhulka lagu dhigay daarihii Mataanaha ee New York Washington.

“Ma aha wax u wanaagsan Carruurta, Rabasho micnaheedu waa halis” waa erey xusuuseedka laga reebay Gabadhaan oo tilmaamtay in dhibaatooyin kala duwan ay la kulmeen Muslimiinta iyaga oo loo arko in ay ka siman yihiin weerarka dhacay.

Eman Abdelhadi oo takhasuska Cilmiga Bulshada ka daraaseeya Jaamacadda Chicago ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay weerarkii Daaramaha Mataanaha ah laga aamin baxay Muslimiinta sabab la xiriirta dhacdadaas inkasta oo aragti qaldan ay tahay.

Daraasad ay sameysay xarunta Baarista Caalamiga ee “APNORC” ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay 11-kii September lagu ogaaday in 53% dadka Mareykanka ay aragti xun ka aaminsan yihiin Muslimiinta, balse waxaa jira 42% aragti dad wanaagsan ka aaminsan.

Bulshada Muslimiinta Mareykanka ayaa u ololeynaya in shakigaas meesha laga saaro, goobaha Waxbarashada waxaa Ardayda lagu wargeliyaa in qalbigooda ay ka saaraan Aamin darrada, Shakiga iyo dareenka ay ka qabaan Muslimiinta 20-sano kaddib.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post