975 Views

Ciidamada Dowlada oo Culeeska ka qaaday aaga Km4 kadib Gurmadyo xalay soo gaaray iyo Beebayaashii oo soo dhaafi waayay KM4.

Ciidamada Dowlada oo Culeeska ka qaaday aaga Km4  kadib Gurmadyo xalay soo gaaray iyo Beebayaashii oo soo dhaafi waayay KM4.
____________________________________________________________________________

.

.

April 26-2021

Wararka ka imaanaya Isgoyska KM4 ilaa agagaarka Taleex ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ee xalay ilaa shalay halkaas ka dagaalamayay ay saakay joogaan halkaas.

Dagaaladii xalay ka dhacay isgoyska KM4 madaxtooyadii hore ee C/qaasim ayaa ahaa dagaaladii ugu adkaa oo ay wajaheen Ciidamada Dowlada Xalay, waxa uuna dagaalkaas bilaawday afurkii oo afka lagu hayo, Waxa uuna joogsaday xalay saqdhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xalay xaafada Tarabuunka ilaa warshada caanaha oo ay jogaan Ciidamada Jeneraal indha cadde iyo Jeneraal saadaq joon ay soo gaareen Gurmado kala duwan xalay ilaa saakay aroortiii.

Sidoo kale Ciidamada Dowlada ee jooga aaga Km4 ayaa iska cabin xoog leh kala hor tagay Ciidamada dowlada oo watay gaadiidka gaashaaman sida Beebayaasha qafilan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post