1011 Views

Magaca Ninkii hoggaaminayey Weerarkii degaanka Sareedo oo la shaaciyey

Magaca Ninkii hoggaaminayey Weerarkii degaanka Sareedo oo la shaaciyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 08, 2020—Ciidamada Booliska dalka kenya aya waxaa ay shaaciyeen Magaca Ninkii hoggaaminayey weerarkii Habeen hore lagu qaadey Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska Kenya oo ku yaalla deegaanka Sareedo,kaas oo ay ku geeriyoodeen dad Arday u badan.

 

Weerarka oo ka dhacay Xilli habeen ah tuulada Sareedo ee deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa waxaa ku dhintey 4 Ruux oo isugu jira Saddex Arday iyo mid kamid ah Ciidamada Ammaanka.

 

 

 

Guddoomiyaha deegaanka Dadaab ,Kibet Bowen ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama ay bateen Weerada Al-Shabaab,isla markaana ay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga.

 

Boolisku waxaa ay sheegeen in weerarkaasi uu ka dambeeyey nin lagu magacaabo Mauliid Bilaal,kaas oo ka hor inta uusan ku biirin Al-Shabaab macalin ka ahaa Iksuul ku yaalla deegaankaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment