990 Views

Madaxweyne Deni & Ganacsatada Boosaaso oo kulan yeeshay

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 27-2019 —Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso kulan kula qaatay Ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso.

 

Kulanka Ganacsatada iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Maamulka Gobolka kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha xukuumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

Muhiimadda kulankan ayaa ahaa sidii Maamulka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland uga wada shaqay lahaayeen horumarinta arrimaha ganacsiga sida, suuqgaynta wax soo saarka dalka, horumarinta ganacsiga, taageerada ganacsi ee dalka ka socota,arrimaha Maalgashiga dalka iyo in laga wadashaqeeyo sidii khayraadka dalka, gaar ahaan Puntland suuqayada caalamka loogu soo bandhigi lahaa.

 

Qaar ka mid ah Ganacsatada Magalada Boosaaso ee kulanka ka qeyb-galay ayaa ka hadlay waxyaabihii ay Madaxweyne Deni ay kala hadleen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment