1773 Views

Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 8, 2018 – Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koofur galbeed.

Guddoomiyaha safarka waxa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbed.

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Maamulka Koofur galbeed, Xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Safarka uu guddoomiyaha uu ku tagay  Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka noqonaya safaro uu guddoomiyaha ku tagi doono magaalooyinka maamul goboleedyada dalka si uu kulamo wadatashi ula soo yeesho masuuliyiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedyada dalka.

gud-mursal-baydhabo-1

gud-mursal-baydhabo-2 gud-mursal-baydhabo-3

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment