1245 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 06, 2019 –Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da Bisha May 2019, ayaa Ajendihiisu waxa uu yahay ah Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Badroolka.

 

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa,waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Maanta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment