990 Views

Fanaanada Xaliimo Goobaad oo fanka isaga baxday, fariinna u dirtay taageerayaasheeda

Fanaanada Xaliimo Goobaad oo fanka isaga baxday, fariinna u dirtay taageerayaasheeda
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Fannaadda Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa shaacisay inay isaga baxday guud ahaan fanka oo ay muddo dheer kusoo jirtay.

Xaliimo Gobaad ayaa qoraal ay ku shaacisay boggeeda Facebook waxay ku sheegtay in ay si rasmi ah uga baxday fanka, iyada oo taageerayaasheeda ka codsatay inay qeyrka ku taageertaan.

Gobaad oo kamid ahayd fanaaiinta aad loogu jeclaa fankooda, ayaa sheegtay inay go’aankan qaadatay ka dib markii ay garawsatay ama aragtay in adduunkaan uu yahay maalmo kooban ayna xasuusatay xadiiskii Nabi Muxammad NNKH oo ahaa “Hadii aad galabeysataan Hasugina in uu waaga idiin baryaayo Hadii aad subaxeysataan hasugina in aad galab galabaysataan”

“Waxaan go’aan saday in aan iska joojiyo fanka taageerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Alla oo Raali iga Noqda ayaa muhiim ah,” ayay tiri Xaliimo Gobaad.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post