933 Views

Qaramada Midoobay oo joojisay howlihii gargaarka ee Itoobiya ka dib markii la bililiqeeystay raashinkii gargaarka!

Qaramada Midoobay oo joojisay howlihii gargaarka ee Itoobiya ka dib markii la bililiqeeystay raashinkii gargaarka!
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 9, 2021

Qiyaastii 9.4 milyan oo qof oo ku nool gobollada Tigray, Axmaarada iyo Canfartu waxay u baahan yihiin gargaar cunto oo halis ah [Fayl: Mohamed Nureldin Abdallah/Reuters]

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa joojisay raashin qaybintii ay ka waday magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ee dalka Itoobiya ka dib markii la bililiqaystay sahaydii gargaarka shaqaalaha ay la kulmeen hanjabaad, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan dib ula wareegay gacan ku haynta labadaan magaalo oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega ee kacdoonka wada, sida ay dawladu sheegtay.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in la xaday lagana bililiqeeystay raashin aad u badan oo ay ku jiraan nafaqada carruurta, dhacdadaan ayaa laga diiwaan galiyay magaalada Kombolcha ee gobolka Axmaarada.

“Xatooyada yar ee cuntada ayaa isu beddeshay bililiqo ballaaran oo loo geystay bakhaarradii ku yaallay Kombolcha maalmihii la soo dhaafay, sida ay sheegeen xubno ka tirsan ciidamada Tigreega iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka,” Dujarric ayaa sidaasi u sheegay suxufiyiinta.

“Waa wax aan la aqbali karin dhibaataynta noocan oo kale ah oo ay ciidamada qalabka sida ku hayaan shaqaalaha samafalka. Waxay wiiqaysaa awoodda Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibadeenna bini’aadantinimo si ay gargaar u gaarsiiyaan marka loo baahdo,” ayuu raaciyay.

Dhacdooyinkaasi waxay sii xumeyn doonaan nafaqo-xumada waxayna sii dheereyn doonaan haqab-beelka cuntada ee waqooyiga Itoobiya, halkaasoo lagu qiyaasay 9.4 milyan oo qof oo ku nool gobollada Tigray, Amxaarada iyo Canfarta ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah, ayuu ku dooday Dujarric.

Saddex baabuur oo WFP ah oo loo adeegsan jiray hawlaha bini’aadantinimo ee Axmaarada ayaa waxaa amar ku bixiyay ciidamo millatari ah, waxayna u isticmaaleen ujeeddooyinkooda todobaadkan, Dujarric ayaa sidoo kale sheegay, isagoo cambaareeyay shilalkaas,

Wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya in ay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo.

Dagaalka sanadlaha ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo hogaanka gobolka waqooyi ee Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah, malaayiin kalena waxay ku qasbeen in ay ka barakacaan guryahooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post