633 Views

Madaxweynaha Joe Biden oo xilka ku wareejiyay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris kadib Qaliin uu marayo.

Madaxweynaha Joe Biden oo xilka ku wareejiyay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris kadib Qaliin uu marayo.
____________________________________________________________________________


Sabti: November 20, 2021

Madaxweynaha Marekanka ,  Joe Biden ayaa xilka ku wareejiyay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris,mudada kooban ee uu ku jiro suuxinta , sababo la xiriira baaritaan caafimaad oo u marayo, Aqalka Cad ayaa sheegay. Biden, oo ah madaxweynihii ugu da’da weynaa Marekanka , ayaa Sabtidii 79 jirsaday.

Harris waa haweenaydii u horreysay ee ku-sime Madaxweyne noqota.

Xoghayaha warfaafinta,Jen Psaki ayaa warbixin ay siisay warfidiyeenada Aqalka Cad ku sheegtay in nidaamkan oo kale la sameeyay sannadihii 2002 iyo 2007, markaasoo madaxweynihii xilligaasi George W.Bush uu maray isla hannaanka  caafimaad.

Madaxwaynihii hore ee Donald Trump oo 75 jir ah ayaa la sheegay in uu diiday in suuxinta lagu sameeyo, sababtuna waxa ay tahay in aanu doonayn in uu xilka ku wareejiyo madaxweyne ku xigeenka wakhtigaas Mike Pence, sida lagu sheegay buug uu qoray xoghayntiisii ​​saddexaad ee saxaafada,Stephanie Grisham.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post