750 Views

Ra’iisul Wasaare Boris Johnso oo cambaareeyay cunsurinimo loo gaystay Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo

Ra’iisul Wasaare Boris Johnso oo cambaareeyay cunsurinimo loo gaystay  Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021

Ra’iisul Wasaaraha UK iyo xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa cambaareeyay falal cunsurinimo ah oo la kula kacay ciyaartooyda kala ah Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka kadib guuldarradii ay xaley uu xulka Ingiriiska kala kulmay ciyaarta kama dambeysta ee koobka Yurub.

Talyaaniga ayaa 3-2 rigooreyaal ah kaga badiyay Ingiriiska.

Saddex kamid ah ciyaartooyda Ingiriiska ayaa ku guuldareystay inay dhaliyaan rigoorayaasha.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku tilmaamay cunsurinimada la kula kacay ciyaartooydan mid walaaceeda leh oo laga naxo.

“Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas.

Booliska London waxay sheegeen inay baarayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda.

Waxay sheegeen ‘In aanan loo duul qaadan doonin falalka noocaas ah”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post