675 Views

Wasiirka Cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay in dad loo soo qab qabtay Caruurtii la dilay maalmo ka hor.

Wasiirka Cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay in dad loo soo qab qabtay Caruurtii la dilay maalmo ka hor.
____________________________________________________________________________

 April 18- 2021

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaano xoog leh oo la xiriira dilkii laba caruur ah oo walaalo ahaa dhawaan loo geystay, kuwaas oo maydkooda laga helay duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Wasiirka Cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in falkaas loo soo qabtay ilaa lix qof oo ku eedeysan, isla markaana dhawaan cadaaladda la hor geyn doono.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dadkaas ay baaritaano ku socdaan, sidoo kalena ay jiraan shakhsiyaad kale oo ay ku raad joogaan, waxuuna balan qaaday in dadaal xoog leh ay ka wasaarad ahaan ku bixin doonaan, sida ay dhibanayaashu cadaalad u heli ahaayeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post