156 Views

Soomaaliya oo Yugaandha kaga qayb galaysa shir looga hadlayo damaca gurracan ee Itoobiya

Soomaaliya oo Yugaandha kaga qayb galaysa shir looga hadlayo damaca gurracan ee Itoobiya
____________________________________________________________________________

Kampala – Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee dalka Yugaandha.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa halkaasi uga qeyb galaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka dhex dhexaadka ah, kaas oo socon doono muddo Todobaad ah.

Shirkan oo ah kii 17-aad ee ay yeeshaan waddamada dhex-dhexaadka ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa xad gudubka ay dowladda Itoobiya ka waddo gobolka iyo sidii loo xakamayn lahaa damaca gurracan ee xukuumadda Abiy Axmed.

Kulanka oo la filayo in uu caawa ku biiro wafdi kale oo uu hoggaaminayo madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa xasuuqa iyo tacaddiyada ay Israa’iil ka waddo marinka Gaza.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post