849 Views

Kim Jong Un Qaabkee u nool yahay hogaamiyaha laga baqo ee Kuuriyada Waqooyi?

Kim Jong Un Qaabkee  u nool yahay hogaamiyaha laga baqo ee Kuuriyada Waqooyi?
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, waxa uu ka mid yahay hogaamiyayaasha caalamka ee galaangalka badan leh, kaas oo ay jiraan dad jecel, kuwo neceb iyo xitaa kuwa doonaya inay wax badan ka ogaadaan, maadaama uu dalkaas madax ka yahay muddo 10 sanadood ka hor.

Caannimadiisa ayaa waxaa inta badan loo tiiriyaa qaabka uu ugu hanjabo reer Galbeedka, gaar ahaan sheegashada 32-jirkan ee ku aaddan inuu samaysanayo hubka nukliyeerka ee wax gumaada. Hasayeeshee halkee iyo qaabkee ayuu u noolyahay ninkaasi?

Xaguu deggan yahay?

Wararka ay tabiyaan warbaahinta kala duwan ee dibadda iyo gudaha ayaa tilmaamaya in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu leeyahay 15 guri oo kala duwan, kuwaas oo ku yaal goobo sir ah oo ay aad u ilaaliso dowladda Kuuriyada Waqooyi, waxaana meelaha uu dego laga hayaa dhowr sawir oo kaliya.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, markii sanadkii tegay uu qeyba badan oo ka mid ah caalamka ku faafay xanuunka safmarka ah ee Covid-19, ayaa waxaa lagu soo warramay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu maciin biday gurigiisa ku yaal xeebta Wonsan.

Gurigaas ku yaal deegaanka Wonsan ee loo tamashlaha tago ayaa waxaa la soo tabiyay inuu yahay midka kaliya ee leh goobo lagu dabaasho, meelo teeniska lagu dheelo, biyo dhacyo iyo goob lagu ciyaaro, halkaas oo ku taal bariga Kuuriyada Waqooyi ee xeebaha cajaaibka leh ee ku teedsan Badda Japan.

Muxuu jecelyahay inuu cuno ama uu cabo?

Kin Jong Un waa hogaamiye lagu yaqaan inuu jecel cunnada la yaabka leh ee badda, oo waxa uu ka helaa kalluunka madow ee qiimaha sare lagu kala iibsado Badda Caspian-ka. Waxaa la sheegaa in kalluunka noocaas ah uu ka mid yahay noocyada ugu wanaagsan caalamka.

Khamro Champagne ah ayuu ka helaa

Inuu ka helo ku gooddintaa gantaallada ridada dheer waxaa Kim Jong Un usii dheer inuu jecelyahay nolol deggan oo uu ku qaato koob khamri ah. Waxaa laga yaabaa inaad iswaydiinaysid khamri noocee ah ayuu cabaa? … Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxa uu doorbidaa khamriga lagu farsameeyo Faransiiska, iyadoo warbaahin ay ku warrantay inay suuragal tahay in hal habeen uu cabbo 10 dhalo oo khamrigaas qaali ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, ma ay jirto cid arrintaas xaqiijisay iyadoo warar kala duwan oo ka imanaya Kuuriyada Waqooyi ay shegayaan inay adag tahay in la ogaado waxa arrintaas ka run ah. Sidoo kale waxaa la sheegay inuu jecel yahay khamriga Vodka ee Ruushka lagu farsameeyo.

Khamriga Champagne ayaa markii ugu horraysay waxaa sameeyay 1876 ganacsadaha Faransiiska ee Louis Roederer. Kim Jong Un-na waxa uu jecelyahay khamrigaas Champagne, hasayeeshee waxa uu ka sii doorbidaa nooc gaar ah oo khamrigaasi ah taas oo loo malaynayo inay tahay tan ugu wanaagsan. Waxaana la rumaysan yahay in cabitaankaas iyo cunnooyinka kale ee uu jecel yahay aanan laga waayin deegaannada raaxada badan ee uu dago.

Waa aabihii oo kale

Kim Jong Il, oo dhalay Kim Jong Un, hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi, waxa uu aad u jeclaa Pizza-ha iyo baagarka. Sida laga soo xigtay nin uga shaqeyn jiray xarunta Pizza-ha lagu sameeyo, waxa ay cuntadaas aheyd midda uu ugu jecelyahay. Kim Jong Un ayaa sidoo kale la og yahay inuu jecelyahay Pizza-ha oo lagu daray burcad la qalajiyay iyo hilib.

Kim, oo miisaankiisu uu aad u badan yahay ayaa waxa uu la soo degaa burcad badan oo Faransiiska lagu farsameeyay waxa uuna cabaa sigaarka Mareykanka.

Intaas waxaa sii dheer in khamriga Faransiiska iyo kan Ruushka ee Vodka, Kim Jong Un waxa kale oo uu cabaa kafeega Brazil. Kaligii taliyaha waddanka Kuuriyada Waqooyi ayaa la rumaysan yahay inuu boqollaal doolar sanadkii uu ku soo iibsado kafee looga keeno Laatiim Ameerika.

Saxan wayn oo maraq ah

Kim Jong Un waxa uu jecelyahay maraqa iyo hilibkaba, arrintaas oo qeyb ka ah dhaqanka cuntada Shiinaha iyadoo doofaarka inta biyo lagu karkariyo maraqiisa iyo hilibkiisaba la isku cuno. Kim ayaa la sheegay inuu maraqa ku cabo saxan wayn.

Maraqa kalluunka wayn ee Shark-ga loo yaqaan oo kaliya ma ahan cuntada uu jecel yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee sidoo kale waxa uu jecelyahay cuntada caanka ah ee Shiineeska ee Suchi. Suchi waa cuno muddo dheer laga jeclaa qaaradda Aasiya waxaana badanaa lagu sheegaa inay tahay cunto caafimaad leh, hasayeeshee Kim sida aabihiis oo kale, waxa uu jecelyahay inuu goosto meelaha baruurta leh ee tuunada marka uu cunaayo cuntada Suchi-ga.

Hilib qaali ah

Haddii aad hilib jeceshahay markaas waad fahmi kartaa Kim Jong Un. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inuu qabatimay hilibka Japan, kaas oo ah mid aanan badanaa la helin oo aad qaali u ah iyadoo xoolahaas laga helo aagga Wagyu.

Hilibkaas waxaa badanaa loo yaqaan “Hilibka Kobe” – Kobe: waa magaalo hilibkaas laga helo. Japan-na waxa ay leedahay hannaan gaar ah oo lagu dhaqo xoolaha taas oo hilibkooda ka dhigtay mid qaali ah oo dhadhan gaar ahna leh.

Labis farriin diraya

Sida carruurta kale ee Kuuriyada Waqooyi waagii uu carruurta ahaa waxa uu iskuulka u xiran jiray dareeska milateriga.

Sikastaba xaalku ha ahaadee tan iyo markii uu awoodda la wareegay waxa uu go’aansaday inuu xirto dhar diraya farriin ah sida isaga uu isu arko inuu yahay, hoggaankiisa iyo barta uu dunida kaga jiro.

Dharkiisa waxa ay dirayaan farriinta ah inuu u egyahay aabihii Kim Il Sung, hogaamiyihii ugu horreeyay ee Kuuriyada Waqooyi, taas oo dad badan oo faaqida arrimaha dalkaas ay rumaysan yihiin inuu wax badan ka faa’iiday.

Waxa ay xirtaan ookiyaaleyaal la naqshadeeyay 1950-meeyadii, iyo dharkii uu xiran jiray Mao si uu muuqaalkaas u sii taabbageliyo.

Dadka wax taxliiliya ayaa sheegaya in dharka Kim Jong Un uu tilmaamayo hogaamiyahaas, dalkiisa iyo xiriirka uu dalkiisa la leeyahay cadawgiisa.

Ma hadal badno

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu yaqaan inuu yahay hogaamiye aan hadal badnayn marka uu farriin dirayo gaar ahaan markii uu farriin u dirayo reer Galbeedka iyo Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post