675 Views

Cabdirashiid Janan: “Amarada xubnihii dawladdii madaxweyne Farmaajo ayaa wali nalagu dhibaateynayaa”

Cabdirashiid Janan: “Amarada xubnihii dawladdii madaxweyne Farmaajo ayaa wali nalagu dhibaateynayaa”
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Diyaarad rakaab ah oo uu la socday gudoomiye hore ee degmada Luuq iyo dad kale oo shacab ayaa lagu eedeeyay in ay is hortaag ku sameeyeen maamulka degmada Luuq.

Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay amarka isku deyga hakinta socdaalkaan in ay lahaayeen xubno ciidan ah oo ka mid ahaa dawladii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdirashiid ayaa yiri: ” Taliyaha Milatariga gobolka amar uusan bixinaynin ayuu janaraal Biixi oo taliyaha ciidamada lugta ah ka bixinayaa Xamar. Askari ama sarkaal uu xukumo taliyaha gobolka ayuu wacayaa, wuxuu leeyahay sidaas iyo sidaas yeel.”

Xubanaha lagu eedeeyay ishor taagga diyaaradaan wali kama aysan hadlin eedda loo jeediyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post