1626 Views

Wasiirada arrimaha dibadda G7 oo uga Digay Dowlada Ruushka in ay Weeraraan Ukraine.

Wasiirada arrimaha dibadda G7 oo uga Digay Dowlada Ruushka in ay Weeraraan Ukraine.
____________________________________________________________________________

Sabti: December 11, 2021

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka lagu magacaabo G7 ee hodanka ah ayaa doonaya in ay soo bandhigaan mowqif mideysan oo ka dhan ah Ruushka xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo weerar suurtagal ah oo ruushku ku qaadi karo Ukraine.

Ka hor kulankooda magaalada Liverpool ee dalka Ingariiska, Britain iyo Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay tobanaan kun oo askari oo Ruush ah oo la soo dhoobay xadka Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Liz Truss, ayaa uga digtay Moscow in duullaanka ay qaadaan uu cawaaqib xun ku yeelan doono.

Weriyaha BBC-da ee dhanka dublamaasiyadda ayaa sheegay in mid ka mid ah aargudashada macquulka ee waddamamdani samayn karaan ayaa ah in la joojiyo dhuumaha cusub ee Nord Stream Two ee loo dhisay si ay gaaska Ruushka u gaadhsiiyaan Jarmalka. Xiisada Shiinaha iyo Iran ayaa sidoo kale kulanka wasiirradaas lagaga hadli doonaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post