3480 Views

General Cabdullaahi Gaafow oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Dhuusomareeb

General Cabdullaahi Gaafow oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Dhuusomareeb
____________________________________________________________________________

Dhusamareeb | QOL | September 04, 2018 – Agaasimihii hore ee NISA Generaal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ku guuleystey doorasho ka dhacday magaalada dhuusamareeb taasoo lagu tartamayay doorasho kursi ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya.

Goobta ay ka dhacaysay doorashada ayaa waxaa ku sugnaa madax ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyey Madaxa Xukuumadda, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Inta aysan bilaaban codeynta doorashada ayaa waxaa jirtay in uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow ee  Xiireey Muxudiin Cumar, isaga oo sheegay in uu ka tanaasulay u tartamida kursigaas.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xaliimo Yareey ayaa sheegtay inay doorashada dhaceyso, isla markaana cod lagu kala baxayo, iyada oo la raacayo habraaca doorashada.

Intaasi kadib waxaa la guda galay codeynta doorashada,iyada oo ay codkooda dhiibanayeen 51 ergo,waxaana ugu dambeyn Guddoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yareey ay ku dhawaaqday Natiijada,waxana ay kala heleen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud   43 Cod iyo Xiireey Muxudiin Cumar oo helay  7 Cod waxaa halaabay hal Cod.

gen-gaafoow-5 gen-gaafoow-4 gen-gaafoow-3 gen-gaafoow-2 gen-gaafoow-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment