525 Views

Dad badan oo eedo kala duwan dartood loogu xidhxidhay Gobolka Amxaarada

Dad badan oo eedo kala duwan dartood loogu xidhxidhay Gobolka Amxaarada
____________________________________________________________________________


isniin: May 23, 2022

Warbaahinta maxalliga ah ee gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in in ka badan afar kun oo qof la xidhay, taasoo qeyb ka ah olole ballaaran oo ay maamulku kula kacayaan dagaalyahannada maleeshiyadaha halkaasi ka dagaallanta, kuwa dhaleeceeya iyo saxaafadda.

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida gobolkaas (Desalegne Tasew) ayaa sheegay in in ka badan laba boqol oo eedeysanayaal ah lagu eedeeyay dilal iyo falal kale oo sharci darro ah oo ay geysteen koox maleeshiyaad ah oo loo yaqaan Fano.

Ciidamada Axmaarada iyo Maleeshiyada Fano ayaa sanadkii hore ku taageeray ciidamada federaalka olole ka dhan ah jabhada Tigreega, balse xidhiidhka u dhaxeeya masuuliyiinta deegaanka iyo dowladda dhexe ayaa xumaaday. Laba ka mid ah shirkadaha warbaahinta ee Amxaarada ayaa sheegay in sagaal ka mid ah shaqaalahooda la xidhay.

Xadhigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka Axmaarada ay dadaal ugu jiraan sidii loo diwaan galin lahaa lahaanshiyaha hubka, wax ay ku sheegeen dadka dhaliila inay tahay isku day lagu doonayay in hubka looga dhigo Fano.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post