1344 Views

Garoonka Diyaaradaha Gobolka Gedo Oo Loo Magacaabay maareye cusub

Garoonka Diyaaradaha Gobolka  Gedo Oo Loo Magacaabay maareye cusub
____________________________________________________________________________

 Feb 16, 2021

Guddoomiyaha Maamulka Gedo ee dowladda Federaalka Axmed Buule Gaarad Canjeex ayaa Maareeye cusub u magacaabay Garoonka diyaaradaha degmada Luuq ee Gedo koonfurta Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Axmed Buule ayaa waxaa Maareeyaha  Garoonka diyaaradaha degmada Luuq loogu magacaabay inuu noqdo Siraaji Dhaqane Cali oo la sheegay inuu doonayo inuu u adeego Bulshada degmadaas.

Sababta keentay magagaacbista Maareeyaha ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo in si deg deg ah loo helo maareeyaha Garoonka Luuq, sidoo kalena ay dalbadeen shacabka iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Maamulka Gedo ee dowladda Federaalka Axmed Buule Gaarad Canjeex ayaa Siraaji Dhaqane Cali faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post