1044 Views

Maxay shacabka Sudan u dalbanayaan in afgambi uu ka dhaco dalka?

Maxay shacabka Sudan u dalbanayaan in afgambi uu ka dhaco dalka?
____________________________________________________________________________

Axad: October 17, 202

Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay xarunta madaxtooyada ee Khartoum ayaga oo ku baaqay in Militariga uu awoodda dalka la wareego, xilli ay Sudan wajaheyso qalalaase siyaasadeed ugu weynaa ee labada sano ee ay ku jirtay xaaladda kala guurka.

Militariga iyo kooxaha rayidka ayaa awoodda dowladda wadaag ku ahaa tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir 2019-kii.

Hase yeeshee kadib isku day afgambi oo fashilmay bishii September, kaasi oo lagu eedeeyey ciidamo daacad u ah Al-Bashiir, hoggaamiyayaasha militariga ayaa dalbanayey isbeddel lagu sameeyo isbaheysiga Xoogagga Isbeddelka Xoriyadda (FFC), iyo in la beddelo qaar ka mid ah wasiirada.

Hase yeeshee hoggaamiyayaasha rayidka ayaa ku eedeeyey inay damacsan yihiin awood maroorsi.

Dibad-baxii dhacay Sabtida ayaa waxaa ku baaqay garabka militari ee isbaheysiga FFC.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey “ha dhacdo dowladda baahan” waxayna dalbadeen in General Abdel Fattah al-Burhan, oo ah madaxa ciidamada dowladda iyo madaxa Golaha Madax-Banaanida ee dalka maamula, inuu billaabo afgambi uu ku ridayo dowladda.

Si ka duwan dibad-baxyadii hore, banaan-baxayaasha ayaa awood u yeeshay inay gaaraan albaabada xarunta madaxtooyada, mana jirin boolis badan oo joogay.

Kahor dibad-baxa ayaa ciidamo aan la aqoon waxay qaadeen dhagxaan lagu gooyey aagga madaxtooyada, waxayna ka horistaageen booliska iyo ciidamada amniga inay isku diyaariyaan dibad-baxa, sida uu war-saxaafadeed ku sheegay barasaabka Khartoum Ayman Khalid.

Khudbad uu jeediyey Jimcihii, ayaa ra’iisul wasaaraha rayidka ah Abdalla Hamdok wuxuu kusoo bandhigay qariidad looga gudbi karo xasaraddan, wuxuuna ka digay in haddii lagu guul-darreysto in xal la helo uu halis geli doono mustaqbalka dalka.

REUTERS

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post