837 Views

Koofur Afrika oo oggolaatay in Dacwada Jacob Zuma in dib u eegis lagu sameeyo

Koofur Afrika oo  oggolaatay in Dacwada Jacob Zuma in dib u eegis lagu sameeyo
____________________________________________________________________________

 Axad: July 4, 2021

Maxkamad ku taalla dalka Koofur Afrika ayaa oggolaatay inay dhegeysiga codsiga madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma, ee ahaa in dib u eegis lagu sameeyo xukunka xabsi ee lagu riday.

Boqollaal taageerayaashiisa ah ayaa isugu soo baxay bannaanka gurigiisa.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalkaas ayaa Talaadadii xukun 15 bilood oo xabsi ah ku ridday Zuma sababo la xiriira eedeymo musuqmaasuq oo loo heysto.

Muddadii loo qabtay inuu isku soo dhiibo ayaa maanta ku ekeyd, balse maxkamadda ayaa shalay aqbashay codsigiisa.

Telefishinka SABC ee Koofur Afrika ayaa sheegay in maxkamadda ay codsiga Zuma dhegeysan doonto 12-ka JUly.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post