912 Views

Daraasad la soo saaray oo muujinaysa in carruurta waalidkooda uu sigaarka cabbi jiray ay u badantahay in iyaguna sigaarka cabbaan

Daraasad la soo saaray oo muujinaysa in carruurta waalidkooda uu sigaarka cabbi jiray ay u badantahay in iyaguna sigaarka cabbaan
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 29, 2021

Daraasad cusub oo lasoo saaray ayaa muujinaysa in carruurta waalidkooda uu sigaarka cabbi jiray ay u badantahay in iyaguna sigaarka cabbaan marka la barbardhigo kuwa waalidkood uusan waligiis sigaar cabbin.

Qiyaasaha la sameeyay waxa ay muujinayaan in boqolkiiba 4.9 ay carruurta waalidkooda sigaarka cabbi jirey ay ku dambeyn doonaan cabidda sigaarka, halka carruuraha kale ee uusan waalidkood uusan sigaarka cabbin ay qiyaasta boqolkiiba tahay 1.2.

Ololaha loogu magac daran “Caafimaad qab iyo sigaar la’aan” ayaa waxa uu muujinayaa saamaynta carruurta ay ku yeeshaan waalidka sigaarka cabba, iyada oo waalidka laga codsaday in ay sigaarka joojiyaan, sida ay qabaan Dr. Najat Caarif iyo Dr. Bettina Honin.

Wasiiradda caafimaadka Britain Maggie Thorpe ayaa sheegtay in daraasadda cusub ay waalidka ku dhiirogalin karto in ay joojiyaan cabbista sigaarka.

Waxay intaas ku dartay in dowladda ay diyaarisay adeegyo dadka lagu caawiyo haddii ay doonayaan in ay joojiyaan sigaar cabbista.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post