1104 Views

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Talyaaniga Oo Loola Cararay Isbitaal

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Talyaaniga Oo Loola Cararay Isbitaal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 30, 2019 —Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi Silvio Berlesconi ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalladda Milan, kadib, markii uu xanuunsaday,

Wargeyska Corriera della Serra (Koryeera Della Sera) waxa uu maanta qoray in Silvio Berlesconi la dhigay isbitaalka, kadib, markii uu xanuun ka dareemay dhinaca Wadnaha.

Mas’uulkaasi oo 82 jir waxaa la sheegay in lagu daaweynayo Isbitaalka lagu magacaabo San Raffaele oo ah Isbitaalkii qaliinka Wadnaha loogu sameeyey bishii June e esannadkii 2016-kii.

 

Sannad  kasta waxa uu Berlesconi maraa baaritaanka caafimaadka  ee dhanka Halbowlayaasha dhiiga ee waraabiya Wadnaha.

 

Dhinaca kale, Silvio Berlesconi oo hoggaamiya Xisbiga FORZA ITALIA waa maalqebeen caan ah, wuxuuna xilka Ra’isul-wasaaraha tlayaaniga hayey muddo 9 sanno ah.

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment