786 Views

Taliyaha Xijaar oo goor dhawayd caradii uu ka qaaday Bur burintii Iskuulka Hooyga Xamar Xilka uga qaaday Taliyaha Qeybta waliyow cadd

Taliyaha Xijaar oo goor dhawayd caradii uu ka qaaday Bur burintii  Iskuulka Hooyga Xamar Xilka uga  qaaday Taliyaha Qeybta waliyow cadd
____________________________________________________________________________

.

February  26, /2/ 2021

 Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa goor dhawayd oo caawa ah xilka ka qaaday Taliyihii Ciidamada Waliyow cadde ee Magaalada Muqdisho.

Taliye Xijaar ayaa aad uga carooday fal uu Sameeyay Taliyahaas saakay oo ahayd bur burburin uu kula dhaqaaqay asaga iyo Ciidan uu Hogaaminayay  Iskuulka Hooyga Xamar .

Jeneraal Xijaar ayaa u magacaabay isla caawa Taliye Cusub in uu u Noqdo waliyow Cadde yaasiin Nuur kheyre (Yaasiin Ganey)  in uu Noqdo caawa Wixii ka Danbeeya Taliyahaas Cusub.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka lagu bur buriyay Iskuulka Hooyga Xamar, isla markaana ay dowladda sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabi doonto, isagoo xusay in dowladda ay dhiiri gelineyso horumarnta Waxbarashada.

Xilka qaadista Deg deg ah oo uu caawa Sameeyay Jeneraal Xijaar ayaa u Muuqata mid uu ka qaaday caro ka dhalatay caruur joogtay iskuulka oo la meel ay jiiftaan oo goobtii ay ku jiifan jireen la Bur buriyay, taasi ayaa ahayd caradii ugu adkayn oo laga dareemo Xijaar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post