1071 Views

Xisbiga WADANI oo Xukuumadda ku eedeyay inay faregelin ku heyso doorashooyinka Magaalooyinka

Xisbiga WADANI oo Xukuumadda ku eedeyay inay faregelin ku heyso doorashooyinka Magaalooyinka
____________________________________________________________________________

Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaradka WADANI ee Soomaaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in xukuumaddu faro-gelin ku hayso Doorashada Maayirada Magaalooyinka Burco, Laascaanood iyo Oodweyne .
Xoghayaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland ee Xisbiga Kulmiye ay dib u dhigeen doorashada Maayirka Magaalada Burco iyo kuxigeenkiisa si ay dorashada lacag ugu adeegadan.

Waxaa uu hadalkiisa intasi uu ku daray Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa uga digay Xukuumadda Somaliland uga dgay faragelinta ay ku heyso doorashada, isla markaana ay isku dayaan in helida kalsoonida Shacbaka ay si kale ku helan.
Warkan kaso yeeray xisbiga Mucaaradka WADANI ee Soomaaliland ayaa kusoo aadaya xilli dib loo dhigay doorashada Guddoomiyeyaasha Magaaloyinka Burco, Laascaanood iyo Oodweyne, taas oo lagu eedeeyay Xukuumadda Soomaaliland

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post