1344 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabis sameeyey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabis sameeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) ayaa Magacaabey guddi ka qeyb-qaata gurmadka loo sameynayo dadka ay fatahaadaha ay saameeyeen ee ku nool Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga oo ka kooban 11-xubnood ayaa laga soo xulay dhamaantood Maamulka Sare ee Gobolkan Banaadir iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana ay kala yihiin.

1: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)

2: Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahadalle

3: Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Basma Caamir Jakeeti.

4: Xoghayaha guud ee G/Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen

5: Agaasimaha xiriirka degmooyinka G/Banaadir Mukhtaar Maxamed Axmed.

6: guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafu Makaraan

7: Guddoomiyaha Urur Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab

8: Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Mustaf Cali Kheyre

9: Guddoomiyaha degmada Yaashiid Muuse Geeseey Jimcaale

10: Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed

11: Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir

Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolka Banaadir iyo cid kasta oo wax awooda looga bahaan yahay inay ka qeyb qaataan Gurmadka Heer Gobol ah ee loogu gurmanayo dadka reer Baladweyne.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment