792 Views

Taliska Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay Weerarkii uu ka badbaaday taliye Farxaan Qaroole

Taliska  Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay Weerarkii uu ka badbaaday taliye Farxaan Qaroole
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

Waxaa soo kordhaya Qasaaraha ka dhashay Weerar loo adeegsaday gaari is-miidaamin ahaa  oo saakay lagu Weeraray taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Qaroole oo marayey isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay qaraxaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay in taliyaha uu ka bad-baaday qaraxa.

Sidoo kale taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro khasaare xoog-leh oo ka dhashay qaraxaas, kaas oo leh dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo,” ayaa lagu yiri warka kaso baxay talis Booliska.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayo muraayadaha baabuurka uu qaraxu haleelay oo daadsan iyo burbur gaaray dhismaha ku yaal halkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post