804 Views

Muusi Biixi oo Amray in Cadaaladda la horkeeno dad kufsi & dil geystay

Muusi Biixi oo Amray in Cadaaladda la horkeeno dad kufsi & dil geystay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 19|  2020
—Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad ay Arday Jaamacadeed ku qalin jebinayeen oo lagu qabtay Magaalada Burco ayaa ka hadlay kufsi & dil Magaaladaas loogu geystay 11-kii Bishaan Hooyo saddex Carruur ah laheyd oo lagu Magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa marka hore Shacabka Magaalada Burco, ehellada Ugbaad Cali Cabdullaahi & ardayada Jaamacadda uga tacsiyadeeyay kufsiga iyo dilka loo geystay , waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay, maadaama ay aheyd ardayad Maanta kamid noqon laheyd kuwa qalin jebinaya.

“Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa , gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haweenka , dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalin jabinaysa jaamacadda , ayuu yiri” Muuse Biixi.

Hay’adaha Garsoorka Soomaaliland ayuu faray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , waxaana uu balan  qaaday in uu  horey ka fuliyo marka uu  ku cadaado dadka loo heysto falkaas.

Dadka ku nool Magaalada Burco ee degaannada Soomaaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay u hadal haayeen falka kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Ugbaad Cali Cabdullaahi oo aheyd Hooyo saddex Carruur ah leh.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post