1032 Views

Haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisal wasaare ka noqota dalka Sweden oo is casishay

Haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisal wasaare ka noqota dalka Sweden oo is casishay
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 24, 2021

 Haweeneydii ugu horeysay oo ra’iisal wasaare ka noqota dalka Sweden, ayaa is casishay, kadib markii loo magacaabay jagadaasi saacado un kahor.

Magdalena Andresson, ayaa loo magacaabey jagadan maanta oo aheyd Arbaco, laakiin way is casishay, kadib markii ay isbaheysigeeda ay jaalka ku ahaayeen dowladda ay ka baxeen dowladda, iyadoo miinsaaniyad dhaqaale ee dowladeedana meel marintiisa uu fashilmey in la ansixiyo.

Taa badalkeeda, baarlamaanka ayaa u codeeyey miisaaniyad dhaqaale ay soo diyaariyeen mucaaradka, oo ay ku jiraan kuwa kasoo horjeeda soo galootiga, oo ka socda dhanka axsaabta midigta fog.

Ra’iisal wasaare Andersson, ayaa u sheegtay war fidiyeenka iney u gudbisay afhayeenka baarlamaanka doonisteeda is casilaadda.

Waxey intaa ku dartey iney ku dadaaleyso iney noqoto ra’iisal wasaare mar kale, iyadoo markan kusoo galeysa dowladda hal xisbi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post