1053 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha KG & Taliyaha Booliska oo tababar u soo xirey Ciidamo

SAWIRO:-Madaxweynaha KG & Taliyaha Booliska oo tababar u soo xirey Ciidamo
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Maxamed Xijaar oo ay wehlinayaan Madaxweynaha Mogadisho  –December 29–2019 | —Koonfur Galbeed ayaa Maanta Muqdisho tabaabr ugu soo xirey Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Koonfur Galbeed.

 

Ciidamadaan oo gaaraay 400 ayaa bilihii u dambeysay waxaa uu tababar uga socday dugsiga tababarada Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho si ay uga howlgalladaan deegaannada kala duwan ee Gobolada Koonfur Galbeed.

 

 

 

Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa ciidamada kula dar daaramay in ay si daacad ah uga adeegaan shabka Soomaaliyeed isla markaana ay ilaaliyaan sharciga.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Maxamed Xijaar ayaa dhankiisa farey ciidamada in looga baahan yahay in waxyaabihii la barey ay ugu adeegaan Bulshada ay mas’uulka ka yihiin,kana hortagaan falalka lidiga ku ah Amniga.

 

Ciidamadaan Maanta tababarka loogu soo xirey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in la geeyo degmooyin iyo deegaano ka titsan gobolada koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa lagala wareegay Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment