432 Views

Qaramada Midoobey: Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay inay ku habsato macluul

Qaramada Midoobey: Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay inay ku habsato macluul
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 6, 2022

Madaxa arrimaha banii’aadanimada ee Qaramada Midoobey Martin Griffiths, ayaa sheegay in deegaanno kamid ah Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin inay ku habsato xaalad macluul ah.

Xilli uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu sheegay inay jiraan waxyaabo muujinayo in macluul ay saameyn doonto qeybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya inta u dhexeyso October iyo December.

Madaxa arrimaha banii’aadanimada ayaa dhawaan booqasho ku tegay magaalada Baydhabo oo kamid ah deegaannada ay sida weyn u saameeyeen abaaraha haatan ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Wuxuu sheegay in uu ka naxay heerka ay gaarsiinsan tahay dhibaatada iyo xanuunka heysta dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool Baydhabo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post