345 Views

In ka badan 3,300 boqol oo arday oo imtixaan ugu fadhiisatay Galmudug

In ka badan 3,300 boqol oo arday oo imtixaan ugu fadhiisatay Galmudug
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022.

waxaa imtixaanaadka Caasimada Dowladda Galmudug ka daahfuray ee Dhuusamareeb Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada  Mursal Cabdi Aadan,  Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Nuur Cilmi Ganey iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali-Bashiir Cilmi Xuseen oo ay weheliyeen qaar kamid ah  Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Agaasimaha waaxda imtixaanaadka Axmed Xuseen kheyre .

Imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022 waxuu ka dhacayaa 22  Xarun imtixaan oo ku kalayaal 12 Degmo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, Waxaana maanta Imtixaanka si rasmi ah u ugu fariistay 3,382 arday.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay guul urajeynaysaa ardayda Galmudug ee maanta Imtixaanka u fariistay. 

Ugu danbayn waalidka waxaa laga codsanayaa in ay ardayda qureec soo siiyaan afarta maalin ee imtixaanku socda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post