1122 Views

SAWIRO: Soomaaliya iyo Midawga Yurub oo Kala Saxiixday mashruuc loogu Magac daray Eng. Yariisow

SAWIRO: Soomaaliya iyo Midawga Yurub oo Kala Saxiixday mashruuc loogu Magac daray Eng. Yariisow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo midaqga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

 

Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada.

 

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir.

 

Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow.

 

Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment