885 Views

Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabelle

Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabelle
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in goor dhawayd loo doortay Madaxweynaha dowlad goboledka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Doorashadan ayaa waxa uu madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen uu helay codad gaaraya 86 cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan  uu helay codad gaaraya 13 cod.

Sidoo kale3 Waxaa goordhow la galayaa doorashada madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyadoo ay ku tartayamayaan Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo shaaciyay in Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona maamulka Hir-Shabelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post