1098 Views

C/qaasim oo ka hadlay qarixii Muqdisho baaqna u direy Dowladda

C/qaasim oo ka hadlay qarixii Muqdisho baaqna u direy Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 31–2019 | —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay khasaaraha ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee 28-kii Bishaan December ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay in musiibooyinka iyo qaraxyada dalka ka dhacaayo ay yihiin kuwo horey u soo jirey,isla markaana ay yihiin kuwo dadka Soomaaliyeed ay gacantooda ku kasbadeen.

 

 

 

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan si looga baxo dhibaatada dhinac walba ka heysato dadka Soomaaliyeed.

 

Qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen in ka badan 100 Ruux tira intaasi kasii badana ay ku dhaawacmeen,waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment